4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo ku wajahan dalka Turkiga

Axad, Luulyo, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in Maanta ay u duulaan dalka Turkiga, kadib martiqaad uu ka helay dhigiisa madaxweynaha Turkiga Receb Tayib Erdogan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la tilmaamay in dalka Turkiga ay ku sugnaan doonaan mudo sadax cisho ah, islamarkaana ay labada madaxweyne ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo saxiixyada heshiisyo cusub oo dhexmari doona labada dhinac.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay Maanta ku aadayaan dalka Turkiga ayaa noqonaya safarkiisii labaad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022, isagoo safarkiisii koowaad ku tagay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Dowladda Turkiga waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya u tababara askarta, waxaana xiriirka labada dal uu soo bilaawday sanadkii 2011-ka xiligaas oo dalka Soomaaliya ay ka jirtay xaalad nololeed midii ugu darneed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online