4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 3 , 2022
Jubbaland oo shaacisay inay baarayso waxa ka jira in ciidamadeeda xasuuq ka geysteen tuulada Quddus
 

Axad, Luulyo, 3, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland oo uu kala hadlay dhacdo ka dhacday deegaanka Quddus oo qiyaastii 65 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kala hadlay xildhibaannada cabasho la xiriirta qasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku waxyeeloobay howlgalkii ciidamada Danab ee deegaankaas.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xildhibaanada baarlamaanka ayaa isku raacay in si qoto dheer loo baaro arrintan, kadibna laga soo saaro warbixin dhab ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Dhawaan, Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland dhibaatooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Qudus.

Odayaasha dhaqanka deegaanka Qudus ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Jubbaland ay tuuladaas gubeen, islamarkaana ay geysteen xasuuq dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]