4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Midowga Yurub oo ku dhawaaqay €140m oo loogu talagalay dib u habeynta dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siin doono ku dhawaad 140 milyan oo Yuuro sanadkan, si ay uga taageeraan dib u habeynta siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha ayna u xoojiyaan u adkeysiga saameynta ba'an ee isbedelka cimilada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Jutta Urpilainen ayaa ku dhawaaqday in 27-ka xubnood ee Midowga Yurub ay sanadkan kordhinayaan qoondada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Inta badan maalgelintan waxay aadi doontaa dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

"Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixin doonaa €13.5 milyan oo ah taageero miisaaniyaddeed si loo joogteeyo taageerada dib u habaynta siyaasada Soomaaliya iyo sidoo kale xirmo € 125 milyan oo lagu taageerayo dowlad-dhisidda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada," ayuu yiri Midowga Yurub.”

Kordhinta dhaqaalaha ee Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacayso abaaro ba’an iyadoo meelo badan oo dalka ka mid ah laga soo sheegayo calaamado hore oo macaluul ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]