4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2022
Markab siday shan tan oo shidaal ah oo ku xirtay dekeda Bosaso, xilli shidaal la’aan ba'an ay ka ja jirtay Puntland
 

Sabti, Luulyo, 2, 2022 (HOL) - Markab weyn oo siday in ka badan shan tan oo shidaal ah ayaa ku xirtay dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, xilli deegaannada Puntland ay ka jirtay shidaal la’aan ba’an.

Qiimaha labaatanka litir ee shidaalka batroolka ayaa deegaannada Puntland ka gaaray ku dhawaad 30 dollar, taasoo ay usii dheer tahay in kaalimo badan oo shidaalka lagu iibin jiray ay u xirmeen shidaal la’aan awgeed.

Markabkan shidaalka siday ayaa muddo ka badan 1o cishe ku xanibnaa dekeda magaalada Bosaso, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay laga dhoofinayay xoolaha Carafada.

Shidaal la’aanta ayaa saamayn ku yeelatay nolasha caadiga ah ee bulshada, waxaana ka dhashay sicir barar ku yimd wax walba oo shidaalka ku tiirsanaa sida korontada iyo biyaha.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine, shidaalka ayaa gabaabgsi ku naqday adduunka, kadib markii Ruushka oo kamid ah dalalka ugu badan ee shidaalka dhoofiya, lagusoo rogay cuno qabatayn xagga dhoofka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]