3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Mid ka mid Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Waxaa xalay lagu dilay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho Ismaaciil Maxamed Aadan oo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la sheegay iney dilkiisa geysteen rag ku hubeysnaa bastoolado oo dhowr xabadood la dhacay, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta ay dilka ugu geysteen marxumka.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegatay masuliyada dilka loo geystay Marxuum Ismaciil Maxamed oo ay sheegeen inuu ka tirsana ergadii soo xushay Xldhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa horay waxay u sheegtay iney beegsan doonto cid walba oo ka mid noqota ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanabada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dilkaan uu sii cabsi galin doona ergooyinka kale ee doonaya iney soo xulaan Xildhibaanadda Baarlamaanka ee doorashadooda dhiman tahay iyo kuwii wax doortayba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/9/2022 9:43 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirkii uga socday magaalada Muqdisho lixdii maalmood ee lasoo dhaafay.

1/9/2022 9:06 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Maamulka Galmudug iyo ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

1/9/2022 8:51 AM EST
Waxaa gobolka Minnesota laga daahfuray urur loogu ay ku midaysnaan doonaan ganacsatada gobolkaas ee laga tirada badan yahay (MINNESOTA MINORITY BUSINESS ASSOCIATION)

1/9/2022 7:44 AM EST
Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in xisbigiisu uu ka dabaalan doono, hadii la qabto doorashada ururrada oo aanu marnaba ku hadhi doonin.

1/9/2022 6:14 AM EST
Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshe uu sheegay in xukuumadu wadato, si madaxweyne Biixi mudada loogu kordhiyo.

1/9/2022 5:28 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa haatan kulan la leh Midowga Musharixiinta madaxweynaha, oo ka mid ah dhinacyada ay arki doonaan madaxdu kahor intaan shirka lasoo geba-gebayn.

1/9/2022 5:22 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-daareed) ayaa sheegay in loo baahan yahay colaaddii ka dhacday magaalada Bosaso in ay jirto cid masuuliyadeeda yeelata oo lagula xisaabtamo.

1/9/2022 1:43 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlaayay abaaraha ka jira gobolka Hiiraan ayaa si adag ugu dhalilay dowladda Soomaaliya iney indhaha ka qabsatay wax ka qabashada abaarta ka jirta Hiiraan.

1/9/2022 12:45 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa xilka ka tagaya. David Satterfield, oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, ayaa xilkaan la wareegidoona maalmaha soo socda.

1/9/2022 12:38 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ciiddanka amniga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay guri Lagu beerayay geedka laga sameeyo Xashiishka iyo dadkii ku lugta lahaa.