3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Guddoomiye Cali Jeyte "Dowladda way ka gaabisay wax ka qabashada abaaraha ka jira gobolka Hiiraan"

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlaayay abaaraha ka jira gobolka Hiiraan ayaa si adag ugu dhalilay dowladda Soomaaliya iney indhaha ka qabsatay wax ka qabashada abaarta ka jirta Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu xiriir la sameeyay guddiga dowladda Soomaaliya u xilsaartay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, islamarkaana ay waayeen cid usoo jawaabta waa sida u hadalka u dhigay guddoomiye Jeyte.

"Dadka reer Hiiraan way isku tashteen oo hadda waxay u wada istaageen maamulka, Culumada, Odayaasha, ganacsatada iyo Ururada bulshada Rayidka intaba waxay hayeen way isku darsadeen, guddiga Gurmadaka Abaaraha ee laga magacaabay Xafiiska Raysal wasaaraha si weyn baan u dhaliilaya ilaa hada nama soo gaarin hadaan la xariirnayna wax jawaab ah kama helin, marka kaalmo ayaan u baahanahay dowladda ha ina kaalmeyso, maamulka Hirshabeelle ha ina kaalmeeyo" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalkaan ayuu ka sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kulan uu kula yeeshay xafiiskiisa magaalada Baledweyne guddi u istaagay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/9/2022 9:43 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirkii uga socday magaalada Muqdisho lixdii maalmood ee lasoo dhaafay.

1/9/2022 9:06 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Maamulka Galmudug iyo ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

1/9/2022 8:51 AM EST
Waxaa gobolka Minnesota laga daahfuray urur loogu ay ku midaysnaan doonaan ganacsatada gobolkaas ee laga tirada badan yahay (MINNESOTA MINORITY BUSINESS ASSOCIATION)

1/9/2022 7:44 AM EST
Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in xisbigiisu uu ka dabaalan doono, hadii la qabto doorashada ururrada oo aanu marnaba ku hadhi doonin.

1/9/2022 6:14 AM EST
Axad, January, 9, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshe uu sheegay in xukuumadu wadato, si madaxweyne Biixi mudada loogu kordhiyo.

1/9/2022 5:28 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa haatan kulan la leh Midowga Musharixiinta madaxweynaha, oo ka mid ah dhinacyada ay arki doonaan madaxdu kahor intaan shirka lasoo geba-gebayn.

1/9/2022 5:22 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-daareed) ayaa sheegay in loo baahan yahay colaaddii ka dhacday magaalada Bosaso in ay jirto cid masuuliyadeeda yeelata oo lagula xisaabtamo.

1/9/2022 1:58 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Waxaa xalay lagu dilay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho Ismaaciil Maxamed Aadan oo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.

1/9/2022 12:45 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa xilka ka tagaya. David Satterfield, oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, ayaa xilkaan la wareegidoona maalmaha soo socda.

1/9/2022 12:38 AM EST
Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ciiddanka amniga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay guri Lagu beerayay geedka laga sameeyo Xashiishka iyo dadkii ku lugta lahaa.