4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Puntland oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka shaqayn jirtay tahriibinta dadka

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay ku guuleystaen qabashada shabakad isku xiran oo ka shaqeysa tahriibka dadka u kala soconaya dalalka Soomaaliya, Yemen, Sudan iyo Libiya.

Warka kasoo baxay taliska booliiska Bari, ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gadiidkii ay ku howlgelin jireen iyo dadkii ka shaqeynayay tahriibinta dadka.

G/sare C/qaadir Jaamac Dirir taliyaha booliiska gobolka Bari, ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xoogga saarayaan falkasta oo lidi ku ah nidaamka sida kan tahriibinta dadka, mukhaadaraadka iwm.

Taliyaha oo dhawaan xillkaan loosoo magacaabay ayaa u mahadceliyay ciidamadda amaanka iyo shacabka iska kaashaday ogaanshaha kooxdan tahriibka ka shaqeysa iyo soo qabashadooda.

Magaalada Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee dadka laga tahriibiyo gaar ahaan dhinaca Yemen, inkastoo sanadihii colaaddu ka jirtay Yemen ay hoos u dhaceen qulqulka tahriiibka Yemen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online