4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Jubbaland iyo Puntland oo taageeray mowqifka raysal wasaare Rooble ee xiriirka Imaaraatka

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la lahayd dowladda Imaaraatka Carabka.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale bogaadiyay garowsiyaha iyo raallingelinta uu raysal wasaaruhu ka bixiyey lacag dowladda Imaaraatku lahayd oo bishii april ee 2018 dowladda Soomaaliya ku qabatay garoonka Aadan Cadde, lacagtaas oo dowladdu la wareegtay.

"Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka. Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka," ayuu yiri madaxweyne Deni."

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaas ku sheegtay mid sharci darro ah oo la doonayay in dalka lagu qalqal galiyo. Labada madaxweyne ayaa taageeray in lacagtaas dib loogu celiyo Imaaraatka, sida uu raysal wasaaruhu go'aamiyay maalintii shalay.

Balse, madaxweyne Farmaajo ayaa xalay soo saaray amar lagu farayo bangiga dhexe in aan lacagtaas laga saari karin, isagoo Farmaajo uu sheegay in lacagtaasu ahayd mid si sharci dalka lagusoo geliyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online