4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Golaha wadatashiga oo xalay yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashada
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Golaha wadatashiga qaran ayaa xalay yeeshay kulan looga arrinsanayay doorashooyinka dalka, kaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegay in shirka  filayo inuu ka soo baxo Warmurtiyeed rasmi ah oo quseeya arimaha doorashooyinka sida hufnaanta doorashada, waqtiyeynta iyo amniga.

Balse illaa iyo hadda ma jiro wax xal ah oo laga gaaray qodob aad loogu muransan yahay oo ku saabsan in raysal wasaare Rooble uu masuul ka noqdo amniga dalka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa aad  ugu kala aragti duwan arrintaas, isagoo shirku marar badan ku sigtay inuu fashilmo.

Maanta oo sabti ah ayaa la filayaa inuu shirkuu soo gabagaboobo lagana soo saaro wixii lagu heshiiyay ee arrimaha doorashada la xiriira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online