4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Golaha Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay xaalada magaalada Baledweyne iyo ciidamada Maanta la geeyay
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war saxafadeed waxa ay kasoo saareen ciidamo ka tirsan Gorgor iyo Haramcad ah oo maanta la geeyay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War saxafadeedka Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn waxay ku Cambaareyeen qalalaasahii ka dhacay Baledweyne oo ay sheegeen inuu ka dambeeyo hurinteeda madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay iney u arkaan tabashada reer Hiiraan qadiyad siyaasadeed oo u baahan waan waan iyo wada xaajood siyaasadeed, iyagoona tilmaamay iney u arkaan ciidamada maanta la geeyay Baldweyne iney carqalad ku yihiin fursadaha nabada iyo wadahadalka.

Golaha ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu qaato masuuliyadda kaga aadan xaqiijinta in ciidamada laga saaro arrimaha siyaasadda, islamarkaana loo jiheeyo la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online