4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo ka hadlay ujeedada Baledweyne loo geeyay ciidamada Gorgor iyo Haramcad
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo khudbad u jeedinaayay ciidamo ka tirsan Haramcad iyo Gorgor oo maanta la geeyay magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ujeedada ciidankaan dowladda Fedaraalka u geysay Baledweyne ay tahay sugida iyo xaqiijinta amaanka magaalada Baledweyne.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale iftiimiyay in ciidamadaan ay dowladda Soomaaliya geysay Baledweyne inan lagu boobi doonin doorashada 25-ka kursi ee ka mid ka ah kuraasta Aqalka Hoose ee doorashadoodu dhawaan ka bilaaban doonoto Baledweyne.

"Waxaan cadeynaya inaan doorashada 25-ka kursi ee taala Baledweyne lagu boobi doonin ciidamada maanta yimid Baldweyne, qorshaha ay ugu yeerteena ay tahay xaqiijinta amaanka gobolka Hiiraan iyo iney furaan deegaanada kala xiran ee gobolka, waxaana leeyahay ciidamada Gorgor iyo Haramcad waxaan idinka rabnaa inaad gobolkaan ka qabataan shaqada horay uga soo qabateen gobolada kale" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Nabadoonada beelaha tabashada qaba ay wada kulmeen, islamarkaana ay heshiis wada gaareen ayna fulin doonaan dhankooda waxyaabahii ay ku balameen, inkastoo uusan faahfaahin heshiiska ay gaareen waxa uu yahay.

Yuusuf Dagabeed ayaa sidoo kale ka dalbaday siyaasiyiin xilalka ka duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle oo uu sheegay iney sii hurinayaan xaalada gobolka Hiiraan, isagoona ugu baqaay iney waqti siiyaan madaxda haatan joogta oo aysan xaalada uga sii darin.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa imaanaya iyadoo ciidamada maanta la geeyay Baledweyne ay siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan ay tilmaameen in ciidamadan lagu boobi rabo doorashada 25-ka kursi e Baledweyne lagu dooran rabo maalmaha soo socda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online