4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Raysal wasaare Rooble oo sheegay inuu dhameeyay khilaafka Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, isagoo sheegay inuu dhammeeyay khilaafkii siyaasadeed ee mar kale soo kala dhex galay.

Waxaa la isku afgartay in ay si wadajir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha aqalka sare uu kasoo horjeestay doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi, isagoo raysal wasaaraha ku eedeeyay inuu doorashada boobayo.

Khilaafka raysal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha aqalka sare waa mid soo noqnoqanayay tan iyo sannadkii hore, waxaana inta badan la isku qabtaa doorashada kuraasta gobolada waqooyi ee Somaliland.

Labada masuul ayaa kala wata labo garab oo siyaasadeed oo ku loolamaya kuraasta golayaasha barlamaanka, waxaana mid uu walba uu doonayaa in doorashada uu saamayn ku yeesho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online