4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Jenaraal Abuukar Xuud oo si kulul uga hadlay Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee Maanta la geeyay Magaalada Baledweyne
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha sare ee Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ciidamo Gorgor iyo Haramcad ee la geeyay Baledweyne iney dhabar jibinayaan wadahadaladii nabada ee uu sheegay inuu u yimid Muqdisho.

Jenaraal Xuud ayaa sidoo kale sheegay inaan waqtigaan loo baahneen in ciidamo aanan la iskala tashan lagu daabulo Baledweyne, isagoona carabka ku dhuftay in Baledweyne oo loo rabo waxyaabahii horay uga dhacay magaalooyinka Dhuusamareb iyo Guriceel.

“Beledweyne sida aan hadda u jeedo, waxay ku dambeyn doontaa sidii Dhuusamareeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale, haddii wadatashiga iyo miiska aan u nimid Muqdisho la xoojinin, wax meel la isla dhigin, isku talana aan la noqon, waxay u ekaanaysaa in faraha la isla gali doono oo ay xaalada meel xun tagto, waxaana masuuliyadaas qaadi doona iyaga” Ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Hoggaamiyaha Kacdoonka ayaa sidoo kale sheegay in maanta markale ay kulmi doonaan madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in kulankoodii hore ay kaga wada hadleen arrimo la xariiray tabashadooda.

Gabgabadii jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa sheegay ineysan marnaba la hadli doonin madaxda maamulka Hishabeelle oo uu tilmaamay inuusan aqoonsaneen maamulkooda, isagoona sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu laaban doono magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hadalka Jenaraalka ayaa imaanaya xili waabarigii saaka diyaarado siday ciidamo ka tirsan Haramcad iyo Gorgor laga soo dajiyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kuwaas oo lakala dajiyay xarumaha Saldhiga Booliiska iyo Xerada Lamagalaay ee gudaha magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online