4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Qeybo ka mid ah ganacsiga suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta inta badan xiran ganacsiga qeybo ka mid suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in kooxda Daacish ay ku amartay ganacsatada iney bixiyaan lacago dheeraad ah.

Wararka soo baxaya intaasi ku daraya in Daacish ay ganacsatada weydiisatay in hantidooda ay ka bixiyaan boqolkiiba sodan, waxaana qeybaha xiran ee suuqa u badan bakhaarada lagu iibiyo qalabka Dhismaha.

Ganacsatada ayaa la sheegay in culeys ay ku noqotay iney hantidooda ka bixiyaan lacag dhan boqolkiiba sodan, taasoo keentay iney iska xiraan goobahooda ganacsiga ee ku yaala suuqa ugu weyn Soomaaliya oo ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganactada suuqa Bakaraha ee magaalada Muqdisho ayaa horay u bixin jiray lacago cashuur ah oo ay ka qaadaan dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, waxaana dalabka lacagaha dheeraadka ah ee ka yimid Daacish uu saameyn horleh ku yeelan karaa dhaqdhaqaaqa ganacsiga suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online