4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Jubbaland oo walaac weyn ka muujisay xaaladda amni ee gobolka Gedo
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inuu aad uga welwelsan yahay xaaladda amni ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa rajo xumo ka muujiyay in gobolka Gedo lagu qaban karo doorashada golaha shacabka, isagoo sheegay in ammaanka magaalada Garbahaareey uu faraha kasii baxayo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay masuuliyad darrada amni ee gobolka Gedo, madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in taariikh xumo ka raacidoonto sida uu u go'doomiyay gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay Maxamuud sayid.

"Haddii gobolka Gedo loo qabsaday in lagu burburiyo Jubbaland, hadde waxay ila tahay waa lagu guulaysan waayay, waxaana la joogaa waqtigii qolyaha kusoo duulay ay dib candhuuftooda u liqi lahaayeen oo gobolka arrimihiisa faraha kala baxaan," ayuu yiri Madaweyne ku xigeenka Jubbaland

Gobolka Gedo ayaa kamid meelaha aadka loogu muransan yahay in ay ka dhicidoonto doorashada golaha shacabka, waxaana gacanta haysa dowladda federalka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa doonaya in Gedo laga wareejiyo doorashada si ay doorashada ugu madax banaanadaan, halka dowladda ay rabto in doorashada lagu qabto halkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online