4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.

Kuraasta maanta la dooran doono ayaa tirsigoodu yahay HOP 118, HOP 126, HOP 127, waxaana kuraastaas loo diiwan geliyay oo ku tartami doono Musharaxiinta kala ah, Yuusuf Maxamed Ismaciil Cumar Maxamed Cumar, Xasan Xuseen Maxamed, Cabdiraxmaan Macalin Xuseen, Cali Cismaan Xersi oo kursiga HOP 127 ay kula tartami doonaan Musharaxin dhowr ah.

Maamulka Galmudug  ayaa sidoo kale la filayaa iney maanta magaalada Dhuusamareeb ku qabtaan doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyadoo mudada loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Hoose ay ka harsan tahay 29 maalmood.

Shalay ayay aheyd markii magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo lagu kala doortay ilaa 12 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxaana haatan doorashada Golaha Shacabka u muuqata mid si dardar leh ku socota.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online