4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Wasiir Beyle: Kursigayga xildhibaan ayaan uga tagayaa si aan maaliyadda dalka uga ilaaliyo carqaladayn
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in difaacashada kursigii xildhibaanimo uu uga tagay sidii uu maaliyadda dalka uga ilaalin lahaa carqadalayn.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in xildhibaanimadiisa iyo arrimaha maaliyadda ay is taabanayaan, isagoo sheegay inuu iska diiday wax kaste oo isaga iyo dalka carqalad u keenaya.

“Waxaan dareemay in kursiga doorashadeyda iyo maaliyadda ay istaabanayaan, aniga waxaan doortay maaliyadda. Maantana shaqaalaha dowladda oo dhan lacagtoodda ayaan bixineynaa,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiir Beyle wuxuu tilmaamay inuu saaxiibo badan ku waayay inuu iska diiday inuu saxiixo ama cid gaar ah loo weeciyo qandaraas aan loo tartamin, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inuu maqsuud ku yahay maaliyadda iyo arrimaheeda.

“Qofkii alle u calfay unbaa heli doona. Waxaan filayaa odayaashii kursiga lahaa in ay  u madax bannaan doonaan oo cid kale lasoo dooran doono,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Beyle oo barlamaanka Soomaaliya kamid ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaa hadda kursigiisa uu u muuqdaa mid dhexda u galay loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online