3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan ku saabsan horumarinta dhaqaalaha la qaatay madax ka socotay Faransiiska
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, kulankaas oo looga hadlay dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli kobaca dhaqaalaha dalka ay si weyn u saameeyeen abaaro ba’an oo ka dhashay roob la’aanta iyo caqabado amni ee ka jira guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hanaanka deyn cafinta oo heer gabo gabo ah maraya.

Faransiiska ayaa ah taageere muhiim ah oo si dhow ugala soo shaqeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyada dib u habeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo habka Cafiska Deynta.

Labada dal ayaa si dheeraad ah uga wada hadlay dib u habeynta dhaqaalaha iyo horumarka oo laf dhabar u ah horumarka dalka.

Sannadkii 2020, Soomaaliya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu baabi'inayo deymo gaaraya $306m oo Soomaaliya lagu lahaa, sida uu shaaciyay wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Beyle.

Laga soo bilaabo sannadkii 2016, Soomaaliya waxa ay gashay safar dheer oo dib-u-habayn dhaqaale ah iyada oo la raacayo Barnaamijyo dabagalka maaliyaddeed ee hay'adda lacagta adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/25/2022 4:30 PM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha ururka ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maaddeey) iyo halgamaa Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tegidoona magaalada Muqdisho.

1/25/2022 11:17 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

1/25/2022 10:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu doortay 9 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

1/25/2022 9:55 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani hormooge ayaa sheegay in degaanno badan oo Soomaaliyeed laga soo dhiibay xubno badan oo kamid ah Ururka ONLF.

1/25/2022 9:11 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta dib u billaabay doorashada kuraasta aqalka hoose, iyadoo maantana magaalada Baydhabo lagu doortay saddex kursi.

1/25/2022 7:14 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Xaalada magaalada Baledweyne ayaa duhurnimadii Maanta si caadi ah kusoo laabtay kadib markii ciidamo aad u hubeysanaa oo watay gaadiidka dagaalka saaka aroornimadii hore la wareegeen inta badan magaalada Baledweyne ay dib ugu laabteen xarumahii ay ku lahayeen gudaha magaalada Baledweyne.

1/25/2022 6:02 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in difaacashada kursigii xildhibaanimo uu uga tagay sidii uu maaliyadda dalka uga ilaalin lahaa carqadalayn.

1/25/2022 3:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka oo kasoo horjeeda safar la sheegay inuu maanta ku imaanayo magaalada Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xirtay wadada halbowlaha u ah isku socodka gudaha magaalada Baledweyne.

1/25/2022 1:35 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

1/25/2022 12:49 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E.André ayaa dhaweeyay sida ay uga go’an tahay madaxda Soomaaliya in la soo gebagebeeyo doorashada Golaha Shacabka marka la gaaro 25-ka Febraayo.

1/25/2022 12:33 AM EST
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo saaray jadwalka doorashada afar kursi oo aqalka hoose ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed guddiga uu soo saaray.