4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Xukuumada Somaliland oo guddoomiyaha Xisbiga Waddani munaafaq ku tilmaantay
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, munaafaqnimo, iyo in aanu raali ka ahayn qaranimada Somaliland.

Qoraalka oo jawaab u ahaa eedo uu guddoomiye Xirsi xukuumada Somaliland u jeediyay 22 bishan, ayaa guddoomiyaha lagu eedeeyay munaafaqnimo. Waxa kale oo lagu sheegay in uu doonayay boqornimo.

"Shalay waxaa caddaatay in aad la mid tahay ninkii munaafaqa ahaa ee la odhan jirey Cabdullahi Bin Ubayy Bin Salool, kaasoo doonayey in uu magaalada barakaysan ee Madiina ka noqdo boqor, lakin markii nebigu tagay Madiina, ayay soo afjarantay doonistii boqornimo ee ninkaa munaafaqa ahaa".

"Guddoomiye-nimada Wadani wuxuu ku rabay boqornimo, balse waxay soo afjarantay boqornimadii Xirsi doonayey markii la furay ururrada".

Guddoomiye Xirsi ayaa sidookale lagu eedeeyay in hadalkiisu caddaynayo in aanu raali ka ahayn qaranimada Somaliland.

"Waxa kale oo uu muujinayey hadalkii Xirsi, ee shalay sida aanu u ogolayn ama aanay raali uga ahayn isaga iyo Waddani-ba qaranimada iyo madaxbannaanida Somaliland, in ay guulaysato".

Qoraalka oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Warbaahinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Cabdilaahi Axmed Caarshe, ayaa sidookale Xirsi ku eedeeyay in uu meel kaga dhacay sharafta ciidamada, waxaana lagu sheegay in anay cidna nabada waxyeeli karin.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]