3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Somaliland oo sheegtay in ay joojinayso wahadaladii u socday dowlada Soomaaliya
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland DR Ciise Maxamuud Kayd, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya anay ka daacad ka ahayn in laga gungaadho wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sida darteedna Somaliland ay joojinayso wadahaladada.

Wasiir Kayd oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA Somali, ayaa sheegay in wadahaladadii miro-dhal yeelan waayeen ayna joojinayaan.

"Wadahaladu waxay soo bilaabmeen 2012, ilaa hadana wax miro-dhal ah may yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wadahalada madaama oo qalada Soomaaliya anay diyaar u ahayn in laga gungaadho" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Kayd ayaa dhinacakale sheegay in dowlada Soomaaliya anay wax aqoonsiga ah u ahayn Somaliland.

"Wax aqoonsi ah oo dowlada Soomaaliya ay Jamhuuriyada Somaliland u haysa ma jirto, hadaba 30 sanno ayaanu madax-bannaanayn" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Wadahadalada u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Somaliland oo bilowday sannadkii 2012, ayaan ilaa hada laga gaadhin horumar la taaban karo, xukuumada Somaliland-na waxay marar badan dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii shirarkii hore.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/24/2022 3:00 PM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Dowlada Ingiriiska ayaa Lizzie Walker, usoo magacowday in ay noqoto wakiilka cusub ee dowlada UK u fadhiyi doona xafiiska Hargaysa ee Somaliland, iyadoo badalaysa Staurt Brown.

1/24/2022 8:46 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in laamaha amnigu ay gacanta kusoo dhigeen haweenay ku eedeysan in ay labo carruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay baraha bulshada ka faafisay iyadoo siinaysa Shiishad.

1/24/2022 4:19 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry Andre ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Muqdisho.

1/24/2022 2:01 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Qoraal lagu baahiyay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, munaafaqnimo, iyo in aanu raali ka ahayn qaranimada Somaliland.

1/24/2022 12:43 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay golaha wasiiradda Soomaaliya, kuwaas oo shalay raalli galin bixin ka bixiyay dhiibistiisa, kuna tilmaamay inay ahayd xad gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

1/24/2022 12:05 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

1/24/2022 12:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya kaga saartay liiska Argagaxisada Ururka ONLF.

1/24/2022 12:02 AM EST
Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in doorashada ururrada siyaasadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, kadibna saddexda urur ee soo baxaa ay doorashada madaxtooyada galayaan.