4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalka doorashada Shan Kursi oo ka mid Golaha Shacabka
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka  doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

War qooraal ah oo kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta kuraastan ay bilaabaneyso maanta oo taariiqda ku beegan tahay 24-ka bisha Janaayo, islamarkaana doorashadooda la qaban doono 30-ka bishaan Janaayo.

Kuraasta doorashadoodu ay shaaciyeen guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa tirsigoodu yahay HOP 188, HOP 185, HOP 175, HOP 159, HOP 177.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online