4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo soo dhaweeyay go'aanka ay DFS kaga saartay ONLF, liiska Argagaxisada
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya kaga saartay liiska Argagaxisada Ururka ONLF.

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa sidoo kale sheegay in go'aankii hore ee ONLF loogu aqoonsaday Argagaxisada, uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee dowlad degaanka Soomaalida, sidoo kalena xadgudub ku ahaa dhaqanka dowladnimo, midka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Sidoo kale Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa waxa uu dhaleeceeyay degaanno kale, oo uu ku sheegay inay halgamayaal Soomaaliyeed u gacan galiyeen cadawga, isagoo yiri " Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed, cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda", Madaxwaynuhu muusan xusin degaannada halgamayaasha Soomaaliyeed u gacan galin jiray cadawga.

Ugu dambayn Madaxwayne Mustafe cagjar waxa uu sheegay in ficilladaas horey u dhacay, ay noqdaan kuwo cibro qaadasho ugu filan cid kasta oo xad gudubkaas ku kacday, isla markaana ugu baaqay inay raalli galin ka bixiyaan arrinkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu aqoonsatay Ururka ONLF Argagaxiso, iyadoo isla xilligaasna Cabdikarim Sheekh Muuse oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ONLF ay dowladdu u gacan galisay dowladda Itoobiya, oo wakhtigaas dagaal kula jirtay Ururka ONLF.

Ururka ONLF oo ka dhaq-dhaqaaqa gudaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa wixii ka dambeeyay isbaddalkii Itoobiya ka hana qaaday, ururku wuxuu si nabadgalyo ah uga hawlgalayay gudaha dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo Itoobiyana ay ka saartay liiska Argagaxisada, una aqoonsatay ururku inuu ahaa urur dadkiisa u halgamayay.



Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]