4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay sida ay u kala horaynayaan doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in doorashada ururrada siyaasadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, kadibna saddexda urur ee soo baxaa ay doorashada madaxtooyada galayaan.

Wasiir Koore, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigeedii ku qabsoomayso oo aan maalin lagu dari doonin, lakinse ay doorashada ururrada siyaasadu marka hore dhacayso.

"Waxaa la iclaaminayaa 45 cisho oo loogu diyaar garoobayo ururrada cusub, xukuumada aan afhayeenka u ahay hal maalin ku dari mayso, marka intasoo talaabo la qaado saddexda xisbi ee soo baxaa waxay galayaan doorashadii madaxtooyada" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Xukuumada Somaliland iyo axsaabta mucaaradka ayaa wali iskaga soo horjeeda xiliga ay dhacayso doorashada ururrada siyaasada.

Xisbiyada mucaarad ka ah ayaa ku doodaya in doorashada urruradu ay dhacayso bisha December ee sannadkan halka xukuumaduna ay qabto in doorashada ururradu  ay dhacayso kahor doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13, November, 2022.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]