4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Maraykanka: Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wax qabad la’aanta AMISOM, waxay kordhisay qatarta Alshabaab
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqolaal askari oo Mareykan ah laga soo saaray gobolka Geeska Afrika bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay, in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid sii kordhaysa oo ay ugu wacan tahay waxqabad la’aanta AMISOM  iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.

“Haddii aan cadaadis dheeri ah la saarin Al-Shabaab, waxaan ka walaacsanahay in uu dhici doono weerar weyn oo Al-Shabaab ah. Waxaan aragnay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay labadii toddobaad ee u dambeeyay. Marka waxaan filayaa inay sii fidayaan oo ay sii kordhayaan," Townsend ayaa sidaas yidhi.

Taliyaha AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyay in militariga Mareykanka uu wali tababaro ciidamada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay shaqadooda gaabis ahayd bilihii lasoo dhaafay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya, si loo wiiqo halista Alshabaab, iyadoo laga cabsi qabo in yaraanshaha taageerada milatari ee Maraykanka ay fursad u tahay Alshabaab.

Waxay kusoo beegmeysaa bilooyin ka dib markii dublamaasiyiin Mareykan ah ay sheegeen in taageerada ciidamada xoogga dalka dib loo eegi doono, sababtuna ay tahay in ay ka qeyb qaateen dagaalladii Ahlusunna lala galay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online