3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyay in la beddelo howgalka AMISOM
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la sheegay in ay isla garteen qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku dhowaad saddexda sano ee soo socota.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Sida ku cad dukumentiyada la faafinayay, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa ka gudbi doonaa AMISOM, wuxuuna u gudbi doonaa Howlgalka Ku meel gaarka ah ee AU ee Soomaaliya.

"AU iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul ah u soo gabagabeeyey wadatashiyo socday muddo toddobaad ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Calanka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga amniga midowga Afrika.

Guddiga farsamada ee Soomaaliya u qaabilsan wada xaajoodka, hannaanka kala guurka ee amniga qaranka, ayaa ku dhawaaqay heshiiska qorshaha amniga qaranka kulan ay la yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/23/2022 3:05 PM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa masuuliyad daro ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, isagoo sheegay in uu dayacay xilal badan oo lagu aaminay.

1/23/2022 9:50 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Golaha Wasiiradda xilgaarsiinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay in laga laabto go'aan ay horay u gaartay Xukuumadda sanadkii 2017-kii, kaasoo ahaa in Ururka ONLF Xukuumadda u aqoonsatay Urur argagixiso, kadib dhiibistii Cabdikariin Qalbi dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

1/23/2022 9:20 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu doortay 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

1/23/2022 8:59 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa shaki weyn galiyay doorashadii Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay magaalada Garowe.

1/23/2022 8:56 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Wargays lagu magacaabo Globe and Mail ayaa qoray inuu helay warbixino leh caddeymo oo ku saabsan in ciidamada Soomaalida ee lagu tababarayay Ereteriya ay ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigray bilihii hore ee dagaalka.

1/23/2022 6:03 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqolaal askari oo Mareykan ah laga soo saaray gobolka Geeska Afrika bishii Janaayo ee sanadkii hore.

1/23/2022 2:45 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Itoobiya ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso inay gasho magaalada Maqalle ee xarunta gobolka dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee Tigray.

1/23/2022 1:34 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Iyadoo xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow, xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha ayaa waxaa masuuliyada dilkiisa sheegtay Al-shabaab.

1/23/2022 1:30 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Hoggaanka sare ee Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan ayaa kulankii ugu horeyay kula qaatay madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

1/23/2022 12:57 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud iyo ciidamo la socday.

1/23/2022 12:52 AM EST
Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka qabsoonto doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.