4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Kulankii ugu horeeyay oo Madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Jenaraal Xuud
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Hoggaanka sare ee Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan ayaa kulankii ugu horeyay kula qaatay madaxtooyada Soomaaliya  madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Kacdoonka oo uu hoggaaminaayay Jenaraal Abuukar Xuud ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ku koobnaa is barasho iyo is xog wareysi, waxaana madaxweynaha la sheegay iney u gudbiyeen Golaha Kacdoonka warbixino la xariiray marxaladahii kala duwan ee Kacdoonka uu soo maray.

Xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Xasan Dhuxul oo ka mid ah Golaha Kacdoonka Hiiraan oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in kulankan oo ahaa mid hordhac u ah kulamo kale oo ay gadaal ka yeelan doonaan ayaga iyo madaxweynaha uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

Masuulkaan ka tirsan Golaha Kacdoonka ma sheegin wax ka faahfaahsan inuu ahaa kulankii Farmaajo ay la qaateen mid isbarasho iyo is xogwareysi dhaafsiisan, isagoona tilmaamay in kulamada dambe ay noqon doonaan kuwa si toos ah ay uga wada hadli doonaan howlaha ay u tageen Muqdisho ee ah xal u halista arrimaha Kacdoonka dhaliyay oo ah diidamada jiritaanka maamulka Hirshabeelle.

Dhawaan ayay aheyd markii Muqdisho uu gaaray Jenaraal Xuud iyo xubno ka tirsan Golahiisa Kacdoonka si ay kulamo ula qaataan madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo oo haatan daneynaya in Baledweyne ay ka qabsoonto doorashada kuraasta 25-ka ah ee taala magaalada Baledweyne, waxaana il gaar ah ay ku eegayaan shacabka reer Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle natiijada kasoo bixi doonta kulamada Farmaajo iyo Jenaraal Xuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online