4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Ciiddanka xoogga dalka oo sheegay in ay fashiliyeen weerar Alshabaab kusoo qaadi rabeen magaalada Guriceel
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud iyo ciidamo la socday.

Warka kasoo baxay taliska ciiddanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in kooxdaan ay doonayeen inay gaari waxyaabaha qarxa ay ku soo rareen ku soo weeraraan magaalada guriceel ee gobolka Galguduud.

Saraakiisha ciiddanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay heleen xogta weerarka Alshabaab, waxayna ciiddanku gaareen degaanka dhagaxyaale oo dhanka koonfureed ka xiga magaalada guriceel.

Ciiddanka xoogga waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen gaarigii qaraxyada lagasoo buuxiyay iyo Jaakado Qaraxyo ah waxeeyna Ciidanka khaarijiyeen madaxii Alshabaab u qaabilsanaa magaalada guriceel kaasi oo lagu magacaabo Daauud Ibraahim Shaambil iyo laba xubnood oo kale sida uu Idaacadda Ciidamadda uu u sheegay taliyaha Ciidanka Xoogga.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta galmudug ay ku raad joogaan Sadaxdii kale ee baxsatay islamarkaasna gacanta ay ku soo dhigidoonaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online