3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland oo dalacsiiyay askar ka qaybshay banaanbixii maanta
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen: Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa dalacsiiyay 5 askari oo muuqaaladoodu baraha bulshada ku baaheen, iyagoo la dabaaldagaya bulshada banaanbaxyadii lagu taageerayay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Askarta kala ah K/k Cabdirashiid jaamac Cawad, L/Ale Sagal Cabdilaahi Xuseen, L/Ale Ayaan Baashe Maxamuud, L/Ale Cabdi Asker Mahamed iyo D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill, ayaa la abaal mariyay kadib markii la arkay iyaga oo qoob ka ciyaar la ciyaaraya dadwaynihii kasoo qayb galay banaanbaxa, iyagoo sidookale nabada ilaalinaya.

"Ciidankan ayuu taliyuhu dalacsiiyay min hal darajo marka laga reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu dalacsiiyay laba darajo" ayaa lagu yidhi warbixin booliisku soo saaray.

Ciidankan ayaa ka tirsanaa qaybta galbeedka Hargeisa gaar ahaan saldhiga dhexe halka hal gabadhna ka tirsantahay Ciidanka Dawalada Hoose Hargeisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/22/2022 1:47 PM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa ah lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho allaha u naxariistee guddoomiyahii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadi Cishaha.

1/22/2022 11:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka billaabatay doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee golaha shacabka, iyadoo la doortay shantii kursi ee ugu horreysay.

1/22/2022 9:29 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsaneyd ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo markii ugu war dambeysay lagu waayay gacanta taliska hay'adda Nabadsugida Qaranka ayaa ka hadashay safar ay sheegtay inuu Baledweyne ku tagayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

1/22/2022 6:55 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan doodii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland 18-kii bishan.

1/22/2022 4:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in aanay fulin balanqaadyo lagu xusay booga ollolaha xisbiga Kulmiye xiligii doorashadii 2017.

1/22/2022 4:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay habraaca doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

1/22/2022 1:38 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Qaar badan oo kamid ah musharraxiinta u taagan kuraasta aqalka hoose ee lagasoo dooranayo Pumtland ayaa madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu kuraasta doorashada uu u xiray shakhsiyaad kamid ah golihiisa xukuumada iyo saaxiibadiisa.

1/22/2022 1:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka jawaab celiyay eedeeyntii aheyd in raysal wasaare Rooble uu boobayo doorashada gobolada Waqooyi, taasoo kasoo yeertay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqor Cismaan Aw Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

1/22/2022 12:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhawaan baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan.

1/22/2022 12:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigaan maleyshiyaad ka dambeeyay dilka labo qof oo dhalinyaro ah oo kasoo jeeday waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.