4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay habraaca doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

Kuraasta guddiga ay shaaciyeen jadwalka doorashadooda ayaa kala ah HOP 37 oo ay ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay Huda Axmed Cali, HOP 238 oo uu isna ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Ismaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir iyo HOP 244 oo uu ku fadhiyo Saciid Maxamed Maxamuud.

Guddiga ayaa qoraalkooda ku shaaciyay in diiwaan gelinta kuraastan ay bilaabaneyso maanta oo Sabti ah, islamarkaana ay doorashadoodu dhici doonto maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 24-ka bishaan Janaayo.

Doorashada sadaxdaan kursi ayaa kusoo beegmeysa xili shalay ay shaaciyeen guddoomiye Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi in doorashada uu raysal wasaaraha boob ku haayo, islamarkaana ay isaga baxayaan, inkastoo arinkaasi ay beeniyeen garabka guddoomiye Cabdi Xaashi oo raali galin ka siiyay rayaal wasaaraha eedeynta loo jeediyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online