4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay inuu kuraasta aqalka hoose u xiray shakhsiyaadka maamulkiisa katirsan
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Qaar badan oo kamid ah musharraxiinta u taagan kuraasta aqalka hoose ee lagasoo dooranayo Pumtland ayaa madaxweynaha Puntland  ku eedeeyay inuu kuraasta doorashada uu u xiray shakhsiyaad kamid ah golihiisa xukuumada iyo saaxiibadiisa.

Musharraxiinta ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweyne Deni oo markii hore madaxweyne Farmaajo kula dirayay hufnaanta doorashada  inuu haatan isagii kuraastii beeluhu u madax bannaanaayeen uu u xiray dad gaar ah.

Waxay ka digeen in arrintan ay saameyn iyo dhaawac ku yeelan doonto mustaqbalka midnimada iyo wadajirka Puntland, iyagoo ugu baaqay Deni inuu faraha kala baxo doorashada golaha shacabka.

Musharraxiintu waxay kaloo walaac ka muujiyeen in doorashada lagu qabanayo xerada ciiddmada ee 54aad. Waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu  doonayo inuu awood ciidan u adeegsado sidii ay kusoo bixi lahaayeen shakhsiyaadka uu wato.

Cabashada musharraxiinta ayaa kusoo aadaysa xilli maanta lagu wado inay Garowe ka bilaabato doorashada kuraasta  xildhibaannada aqalka hoose.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online