3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo raali gelin u diray Raysal wasaare Rooble iyo Beesha Habargidir
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka jawaab celiyay eedeeyntii aheyd in raysal wasaare Rooble uu boobayo doorashada gobolada Waqooyi, taasoo kasoo yeertay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqor Cismaan  Aw Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Mahad Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka raali galinaayo raysal wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir hadaladii gefka ahaa ee eedeynta kululeed loogu jeediyay, isagoona tilmaamay in Xafiiska raysal wasaaraha uu yahay muraayadii qaranka oo uusan aheyn goob foojari iyo meel Cabdalle Shideeye, islamarkaana uu raysal wasaaraha yahay hagaha iyo fududeynta howlaha doorashooyinka dalka.

"Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan ogaadeen iyo dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo difaacay Rooble.

Waxuu intaasi ku daray raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda inaan marnaba la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada heshiiskii laga gaaray howlaha doorashada oo cidii ka hor imaato loo aqoonsan doono qas wadayaal, waxaana hadalkaan raali galeynta ah uu ka sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed kulan ay isugu yimaadeen garabka uu hoggaamiyo oo ay ku mideysan yihiin xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/22/2022 3:51 PM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen: Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa dalacsiiyay 5 askari oo muuqaaladoodu baraha bulshada ku baaheen, iyagoo la dabaaldagaya bulshada banaanbaxyadii lagu taageerayay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

1/22/2022 1:47 PM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa ah lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho allaha u naxariistee guddoomiyahii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadi Cishaha.

1/22/2022 11:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka billaabatay doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee golaha shacabka, iyadoo la doortay shantii kursi ee ugu horreysay.

1/22/2022 9:29 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsaneyd ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo markii ugu war dambeysay lagu waayay gacanta taliska hay'adda Nabadsugida Qaranka ayaa ka hadashay safar ay sheegtay inuu Baledweyne ku tagayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

1/22/2022 6:55 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan doodii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland 18-kii bishan.

1/22/2022 4:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in aanay fulin balanqaadyo lagu xusay booga ollolaha xisbiga Kulmiye xiligii doorashadii 2017.

1/22/2022 4:07 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay habraaca doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

1/22/2022 1:38 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Qaar badan oo kamid ah musharraxiinta u taagan kuraasta aqalka hoose ee lagasoo dooranayo Pumtland ayaa madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu kuraasta doorashada uu u xiray shakhsiyaad kamid ah golihiisa xukuumada iyo saaxiibadiisa.

1/22/2022 12:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhawaan baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan.

1/22/2022 12:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigaan maleyshiyaad ka dambeeyay dilka labo qof oo dhalinyaro ah oo kasoo jeeday waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.