4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Boqor Buurmadoow oo war cusub kasoo saaray doorashada Soomaaliya
 

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqor Cismaan Aw Buurmadoow iyo siyaasiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa shir jaraa'id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen waxay ku sheegeen iney dalbanayaan in la joojiyo Jadwalka doorashada ama isaga baxayaan doorashada ka socota.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo warbaahinta la hadlaayay ayaa ku baaqay in la joojiyo jadwalka doorashada gobolada Waqooyi ee dhawaan lasoo saaray, islamarkaana uu ku tilmaamay inay tahay mid la boobayo.

"Waxaan ugu baaqaya raysal wasaaraha in la joojiyo jadwalka doorashada ee lasoo saaray, lana joojiyo kuwa la isku haysto oo aanan la isla ogeyn, doorashadana loo qabto kuwa la isla ogyahay kaliya" ayuu yri guddoomiye Cabd Xaashi.

Boqor Cismaan Aw Buurmadoow oo dhankiisa la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, islamarkaana ay  cadeynayaan beesha Caalamka in Raysal wasaaraha uu faragalin iyo boob toos ah uu ku haayo doorashada gobolada Waqooyi.

“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyno Beesha caalamka iyo Soomaali kalaba, Markii aan garan waynay cid aan kaga dacwoona rasaaraha oo aan beeshiisa Habargidir xitaa ugu dacwoonay, mudo laba bilood ah ayaan si hoose xal u raadjneynay ntaan ka badana ma aamusnaan karin" ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Waxaa sidoo kale shirka Jaraa'id qeyb ka ahaa Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid ahayeen Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Cabdi Ismaciil Samatar iyo xubno kale oo kasoo keeda deegaanada Soomaaliland.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xafiiska Raysal wasaare Rooble oo ku aadan eedeynta loo soo jeediyay ee ku aadan inuu boobayo doorashada, waxaana arintaani ay noqon karta mid caqabad hor leh ka keenta habsami u socodka doorashada Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha soo socota ee Febraayo.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online