3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dalka oo goordhaw Muqdisho lagu doortay
 

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu doortay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka.

Doorashada Maanta dhacday ee xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, waxaana tanaasul sameeyay inta aysan doorashada bilaaban Musharax Mustaf Macalin Cali.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka oo cod gacan taag ah ku codeeyay, waxay guddoomiye ugu doorteen Maxamed Cawil Waraame oo sidaas ku noqday maanta guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Guddigan xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka ayaa lafdhabar waxa uu u yahay howlaha doorashooyinka dalka iyo xal u helista cabashooyinka kasoo laabta doorashada, dhawaan ayay aheyd markii guddiga doorashada dadban ee heer Fedaraal ay iyagana teendhada Afisyooni ku dhex doorteen guddoomiyaha cusub ee guddigaasi Muuse Geelle Yuusuf oo badalay gudoomiyahii hore oo ay xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha kale guddiga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/20/2022 9:36 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland meel fiican marayso, wuxuuna madaxweynaha uga digay in ictiraafku fogaan doono hadii aanu doorashooyinka wakhtigooda ku qaban.

1/20/2022 8:40 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa maanta lagu go'aamiyay in shacabka Somaliland ay saxeexaan hal-milyan oo codsi, oo aqoonsi lagaga dalbanayo QM, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhan.

1/20/2022 8:36 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay xildhibaan Gavin Williamson oo ah mudane katirsan barlamaanka UK in aanu xaqiiqo ka hayn qadiyada Somaliland.

1/20/2022 1:24 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu welwel xooggan ka qabo sida ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

1/20/2022 1:14 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhaco doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

1/20/2022 12:44 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayaa uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.

1/20/2022 12:42 AM EST
Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Waxaa wali halkeedii kasii socda dabkii aan wali lagaran waxa sababaya, ee ka kacayay guryo badan oo ku yaal magaalada Hartasheekh ee dowlad degaanka Soomaalida.