4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Xildhibaan Gavin Williamson oo si adag ugu jawaabay Wasiir Vicky Ford
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaanka Baarlamaanka Ingiriiska keenay qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa wasiirka UK uqaabilsan Afrika Vicky Ford, ku tilmaamay wasiir aan qaandhaag ahayn, wuxuuna usoo jeediyay in ay dhagaysato baarlamaan keeda.

Xildhibaan Williamson oo ka jawaabayay qoraal ay shalay baahisay Wasiir Ford oo ay ku sheegtay in "Dowlada UK doonayso in Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalkooda go'aan ka gaadhaan" ayaa usoo jeediyay in wasiiradu ay dhagaystaan baarlamaanka.

"Tani waxay muujinaysa in aanad gabi ahaanba fahmin xaqiiqda  siyaasadeed ee jirta, waxaa muhiim ah in wasiirada aan qaan-gaadhka ahayni ay dhagaystaan baarlamaanka, madama oo ay shaqada baarlamaanka tahay in ay wax ka yidhaahdaan arrimaha siyaasada" ayuu yidhi Williamson.

Xildhibaanka ayaa doodii shalay ku tilmaamay mid tusinaysa in ay jirto is raacsanaan balaadhan oo lagu doonayo in UK Somaliland aqoonsato "Shalay waxay ina tustay  in aad layskugu raacsanyahay in dowlada UK aqoonsato Somaliland".

Wasiir Vicky Ford ayaa qoraal ay ku daabacday bogeeda Twitterka, ku sheegtay "in loo baahanyahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay iyagu aayahooda ka tashadaan", xildhibaan Williomson ayaa isna isla Twitterka ugu jawaabay wasiirada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]