4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay doorashada shan kursi oo aqalka hoose ah


Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta dib u billaabay doorashada kuraasta aqalka hoose, iyadoo maantana magaalada Baydhabo lagu doortay shan kursi.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa ku guuleystay kursigii ugu horreeyay doorashada maanta dhacday, kursigaas oo Tirsigiisa uu yahay Hop184, isagoo helay 72 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod

Shariif Maxamed Cabdulaahi ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-085 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 79 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod

Kursiga saddexaad ee tirsigiisu ahaa HOP-176, waxaa maanta ku guulaystay Maxamed Mursal Maxamuud oo helay codad gaaraya 73-cod. Musharraxa kursiga kula tartamayay oo lagu magacaabo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim ayaa helay cod-26

Musharrax Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku guulaystay kursiga 4-aad ee Tirsigiisa uu yahay HOP-046, isagoo helay codad gaaraya 83-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Samow Cusmaan uu heley 11-cod

Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga shanaad ee tirsigiisa uu yahay HOP-156. Wuxuu helay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim isaaq uu heley 10-cod.

Doorashada maanta ka dhacday koonfur galbeed ma ahayn mid ay loolan adag ku galeen musharraxiinta tartamayay, waxaana xidlhibaannada guulaystay ay kusoo baxeen codadka aad u badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online