4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Puntland: Cabashada musharraxiinta u taagan aqalka hoose oo aad iskusoo taraysa
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiir gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federalka Soomaaliya, Duuraan Axmed Faarax ayaa sheegay in si baalmarsan sharuucda habraaca doorashada loo maray doorashada kursiga HOP 166.

Wasiirka oo kamid ah musharraxiinta u taagan kursigan oo doorashadiisu ay ka dhacayso magaalada Garowe, ayaa sheegay isagoo ku sugan Garowe, in nabadoonada beesha kursigu ka dhaxeeyo aan wax door ah laga siinin.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay HOP166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin,” ayuu wasiir Duraan Faarax.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in xubnaha xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba aanay ahayn kuwo haysta matelaad bulsho.

Kursigan ayaa kamid ah kuraas la filayo in 22ka bishaan doorahadooda ay ka dhicidoonto Garowe, waxaana cabashada wasiir Duuraan kusoo aadaysaa, iyadoo horey musharraxiin uga cowdeen kuraas dad gaar ah loo xiray.

Musharraxiinta ka cabanaya kuraasta aqalka hoose ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada heer Puntland in ay diideen cabasho ay u gudbiyeen oo ah in la joojiyo kuraasta musharraxiinta gaarka ah loo xirayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online