3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Diyaarad qaas ah oo siday Jenaraal Xuud iyo Jenaraal Biixi oo Muqdisho kasoo degtay
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad qaas ah oo magaalada Baledweyne kasoo qaaday Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuur Warsame Xuud.

Labada Jenaraal ayaa markey soo caga dhigteen garoonka Aadan Cadde, waxaa halkaas kusoo dhaweeyay oo ay Salaan ka qaateen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa warbaahinta kula hadlay qeybta VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in u jeedada uu Muqdisho u yimid ay tahay inuu la kulmo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ay ka go'an tahay hadafkiisa ahaa raadinta xaqa ka maqan reer Hiiraan.

"Waxaan Muqdisho u imid inaan tanaasul u sameeyo dowladda Fedaraalka, mana jirin wax wadahadal ah oo ina dhexmaray Hirshabeelle waxaana xamar u imid sidii xaqa inaga maqan aan ugala xaajoon lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya, waxaana reer Hiiraan u sheegaya in qorshaheygii raadinta xaqa inaga maqan uu wali sidiisii yahay oo aan meelba u gali doono sidii loo heli lahaa xaqa inaga maqan" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Taliyaha ciidanka Lugta Maxamed Tahliil oo dhankiisa warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dhamaan intii ka qeyb qaadatay in wadahdal lagu dhameeyo wax walba, isagoo gaar ah ugu mahadceliyay Jenaraal Xuud iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Jenaraal Xuud uu si toos ah ula kulmo markii ugu horeysay madaxweyne Farmaajo tan iyo waxii ka dambeeyay dhismahii labaad ee Hirshabeelle oo uu Abuukar Xuud ku dhawaaqay in Hirshabeelle aysan aheyn maamul laga aqoonsan yahay gobolka Hiiraan oo haatan laga joogo 1 sano.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
1/19/2022 10:38 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaanka Baarlamaanka Ingiriiska keenay qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa wasiirka UK uqaabilsan Afrika Vicky Ford, ku tilmaamay wasiir aan qaandhaag ahayn, wuxuuna usoo jeediyay in ay dhagaysato baarlamaan keeda.

1/19/2022 7:44 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta dib u billaabay doorashada kuraasta aqalka hoose, iyadoo maantana magaalada Baydhabo lagu doortay shan kursi.

1/19/2022 6:12 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiir gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federalka Soomaaliya, Duuraan Axmed Faarax ayaa sheegay in si baalmarsan sharuucda habraaca doorashada loo maray doorashada kursiga HOP 166.

1/19/2022 4:21 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Dowladda China ayaa saddex markab oo ay leedahay waxay aay ka ambabaxeen dekadda Guangdong, waxay gaareen gacanka Cadmeed si ay uga qeyb qaataan howlgalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaaliya.

1/19/2022 1:59 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah 14 kursi oo ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada maamulka Jubbaland 13-kii bishaan Janaayo 2022.

1/19/2022 1:36 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 23 xildhibaan oo kamid ah 24 xildhibaan oo kasoo qayb galay doodii lagaga hadlayay aqoonsiga Somaliland, ee uu Baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay xildhibaan Gavin Williamson, ayaa dowlada Ingiriiska usoo jeediyay in ay Somaliland aqoonsato.

1/19/2022 1:27 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo xubno ka tirsan saraakiishii Golahaas ayaa lagu wada in saacadaha soo socda ee maanta gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

1/19/2022 1:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa aheegatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad u dhaw Xerada tababarka Ciidamada Gen. Dhagabadan Ex. Xero Nacnaca ee dagmada Wadajir.

1/19/2022 12:12 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka dowlada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa sheegtay in dooda baarlamaanka Ingiriisku maanta ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay muujinayso halka ay Somaliland dowladeeda ka taagantahay, waxayna dhinaca kale arrimaha aqoonsiga ku riixday in Somaliland iyo Soomaaliya go'aan ka gaadhaan.

1/19/2022 12:06 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in ay kulmeen Raysal Wasaare Abiye Axmed iyo Madaxweyne Biixi, kana wada hadleen arrimaha ganacsiga iyo amaanka.

1/19/2022 12:02 AM EST
Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen, Qurbajoogta Itoobiya ee dhawaan dalka Itoobiya kusoo laabtay, ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku saabsan Calanka Itoobiya.