4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Baarlamaanka Ingiriiska oo dood ka yeeshay aqoonsiga Somaliland
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 23 xildhibaan oo kamid ah 24 xildhibaan oo kasoo qayb galay doodii lagaga hadlayay aqoonsiga Somaliland, ee uu Baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay xildhibaan Gavin Williamson, ayaa dowlada Ingiriiska usoo jeediyay in ay Somaliland aqoonsato.

Xildhibaannada ayaa siwayn iskugu raacay in loo baahanyahay in dowlada Ingiriisku hogaanka u qabato qadiyada aqoonsiga Soomaliland oo ay iyadu qaado talaabada ugu horaysa, ee aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaannada ayaa soo bandhigay sababaha ay dowlada Ingiriisku tahay in ay aqoonsi u siiso Somaliland, waxay sheegeen in Somaliland tahay saaxiib qadiimi ah oo ay dowlada Ingiriisku leedahay, iyagoo sheegay in dadka reer Somaliland ay ka garab dagaalameen ciidamadii Ingiriiska xiligii maxmiyada, isla markaana loo bahanyahay in Ingiriisku maanta difaaco.

Waxay sheegeen in Somaliland ay tahay astaan dimuquraadiyadeed iyo dowlad wanaag oo ka dhex ifaysa, gobol ay halakeeyeen argagixiso, dagaalo, isla markaana aan laga qiimayn dimuquraadiyada iyo doorashooyinka, waxay sheegeen in aan loo baahnayn in Somaliland sannad guuradeeda 40aad u dabaal dagto aqoonsi la'aan.

Doqoniimo ayay ku tilmaameen in dowlada Ingiriisku anay ka faa'iidaysan goobta istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo, oo ay usoo haliilayaan dowladaha China iyo Ruushka, wakhti kasta oo sii dheeraadaana uu fursad siin doono, reer bariga. Waxay soo jeediyeen in deeqaha Somaliland si toosa loo siiyo, oo aan loo dhexmarin dowlada Soomaaliya.

Waxay ku doodeen in Somaliland samaysay horumar la yaableh kadib xasuuqi iyo burburkii ay dowladii Kacaanku u gaysatay, sida waxbarashada oo ay sheegeen in wiilal iyo hablaba fursad isku mid ah iyo si isku mid ah ay wax u bartaan, oo waliba ay habluhu inamada ka badanyihiin goobaha qaarkood sida Jaamacada Hargaysa.

Mid kamid ah xildhibaannada ayaa isagu soo jeediyay, in wali Somaliland ay u dhimantahay in ay buuxiso shuruudo ay ka mid tahay xoriyada diimaha.

Wasiirka Ingiriiska ee Yurub Christopher Heaton-Harris, oo isaga la waydiinayay dhamaan su'aalaha, ayaa amaanay xidhiidhaka Somaliland iyo UK, iyo horumarka Somaliland samaysay, wuxuuna yidhi "waxaa haboon in waddamada Afrika ay hogaa'miyaan arrinta aqoonsiga" taasi oo aan u cuntamin xildhibaannadii dooda kasoo qayb galay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]