4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Vicky Ford: Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ayay u taala in ay aayahooda ka tashadaan
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) -  Wasiirka dowlada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa sheegtay in dooda baarlamaanka Ingiriisku shalay ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay muujinayso halka ay Somaliland dowladeeda ka taagantahay, waxayna dhinaca kale arrimaha aqoonsiga ku riixday in Somaliland iyo Soomaaliya go'aan ka gaadhaan.

Ford ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku sheegtay in dooda shalay baarlamaanka waddankeedu ka yeeshay aqoonsiga Somaliland ay tusinayso meeqaamka ay Somaliland ka taagantahay Ingiriiska "Dooda aqalka baarlamaanka (House of Commons), waxay hoosta ka xariiqaysa halka ay dowlada Ingiriisku ka joogto meeqaamka Somaliland".

Dhinaca kale, Ford ayaa arrimaha aqoonsiga Somaliland u riixday dhinaca Somaliland iyo Soomaaliya in ay go'aan ka gaadhaan "Somaliland iyo Soomaaliya ayay u taala in ay go'aan ka gaadhaan mustaqbalkooda".

Waxay sheegtay dowlada Ingiriisku ay diyaar utahay in ay sii wado la shaqaynta Somaliland iyo Soomaaliya "Waanu sii wadayna in aanu Somaliland iyo Soomaaliya kala shaqayno dimuquraadiyada, amaanka iyo horumarka".

Hadalka Ford ayaa imanaya xili shalay baarlamaanka Ingiriisku ka dooday aqoonsiga Somaliland, iyadoo in badan xubnihii dooda ka qayb galay ay dowlada Ingiriiska usoo jeediyeen in ay aqoonsato Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]