4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya?

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in ay kulmeen Raysal Wasaare Abiye Axmed iyo Madaxweyne Biixi, kana wada hadleen arrimaha ganacsiga iyo amaanka.

Kayd oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada VOA Somali, ayaa sheegay in labada hogaamiye ay kawada hadleen xidhiidhka caadiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

"Ujeedadu waxay ahayd uun kulan caadiya oo ay kaga wada hadlayeen danaha labada dal, sida Dekedda Berbera, deeqaha waxbarasho, iyo iskaashiga labada waddan oo waxaa naga dhexeeya baayac mushtar aad u wayn, isku socodka labada dal iyo in nabadgalyada la sugo" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay hadii labada hogaamiye isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya, ayaa ku jawabay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uun ay ka wada hadleen "Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayuun baa laga wada hadlay, runtii Soomaliya meel ay kaga jirtay may jirin".

Wasiirka ayaa sidookale, sheegay in ay la kulmi doonaan qaar kamid ah madaxda safaaradaha reer Yurub ee dalka Itoobiya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]