4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Abiyi Axmed oo sheegay in ciddii aan Ilaalin Calanka Itoobiya uu ladagaallami doono

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen, Qurbajoogta Itoobiya ee dhawaan dalka Itoobiya kusoo laabtay, ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku saabsan Calanka Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ra'iisal wasaaruhu in ciddii ka hortimaadda Calankan dalka Itoobiya ka wada dhaxeeya, inay la kulmi doonto cawaaqib xumo, isla markaana uu dagaal kala hortagi doono.

Waxa uu yiri Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed "Haddii aad tiraahdaan ilaalin mayno Calanka Itoobiya , uma baahna inaan German iyo Japan tago, ee sidii aan TPLF u garaacay unbaan idiin garaaci, cidday dooni may ahaato".

Hadallada Abiyi Axmed uu ka jeediyay kulankii Qurbajoogtu ay lahaayeen ayaa u muuqday kuwo hanjabaad ka muuqatay, waxayna kusoo hagaagayeen hadalladiisu iyadoo dadka Kiristanka ahi ee dalka Itoobiya ay maalmahan xus lahaayeen, taasoo sida caadada u ah soo qaata calanka Itoobiya oo laga reebay calaamadda dhexda kaga taalla ee buluugga ah, taasoo u taagan fadaraalisimka.

Sidoo kale calankan uu kasoo horjeestay Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed waxaa gooni u leh oo u aaminsan dadka kasoo horjeeda nidaamka fadaraalisimka, oo iyagu raba in calanka haatan uu leeyahay dalka Itoobiya, lagu badalo kan saddexda midab un leh ee aan lahay calaamadda fadaraalisimka ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]