4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson
 

Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka soo jeediyay in Baarlamaanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Somaliland, isla markaana daadihinaya dooda.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitterka,  ugu mahadceliyay xildhibaan Williamson isagoo u rajeeyay in dowlada Ingiriisku dhagaysan doonto soo jeedintiisa.

"Gavin Williamson waad ku mahadsantahay daadihinta iyo in aad ku baaqday dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxan rajaynayaa in dowladaadu ku dhagaysato adiga iyo xildhibaannada kale" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Xildhibaan Williamson, ayaa daadihinaya dood lagaga doodi doono aqoonsiga Somaliland oo uu isagu keenay baarlamaanka Ingiriiska, taasi oo maanta ka dhici doonta aqalka baarlamaanka ee Westminister.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]