4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay Addisababa

Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide  iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Ridwan Xuseen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay kusoo dhaweeyey madaarka Bole ee caasimada Addisababa.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ay Addisababa kaga biireen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, wakiilka gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, saraakiisha xafiiska Somaliland ee Itoobiya iyo wasiirada Itoobiyan ka ah ayaa qadar nasasho ah ku qaatay qolka martida khaas ka ah ee Madaarka Bole.

Nasashada kadib ayaa madaxweynaha iyo waftigiisa loo galbiyay goob loogu talo galay in ay dagaan, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay boga Xafiidka Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland .

Madaxweynaha oo Addisababa ku jooga martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali, ayaa la rajaynayaa in uu saacadaha soo socda kulamo la qaato madaxda  ugu saraysa dalka Itoobiya oo uu ugu horeeyo Raysal Wasaare Abiye Axmed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]