4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururro taageeray dooda aqoonsiga Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska

Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Xildhibaannada kala ah Stephen Doughty, Tom Tugendhat iyo Zac Goldsmith oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, James Carver oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub iyo ururka waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa soo dhaweeyay dooda uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland.

Tom Tugendhat oo ah madaxa Guddida Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in uu taageerayo soojeedinta xildhibaan Gavin Williamson uu ku doonayo in Somaliland la aqoonsado.

"Tani waa dood muhiim ah. Waan taageeri doonaa dooda soojeedinta Gavin Williamson ee ku aadan in loo hadlo bulsho iyo waddan sannado badan xornimada u taagnaa" ayuu yidhi Tugendhat.

Xildhinaan Zac Goldsmith iyo Stephen Doughty ayaa iyaguna aad usoo dhaweeyay, waxay ku tilmaameen qadiyad muhiim, waxayna sheegeen in ay ka qayb galayaan oo ay sugayaan.

Ururka ay ku midoobeen waddamada aan la aqoonsan ee losoo gaabiyo UNPO, ayaa qoraal ay ku baahiyeen bogooda Twitterka ku bogaadiyay dooda uu Baarlamaanku Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland, iyagoo xusay sababaha ay Somaliland aqoonsi ugu qalanto.

Dhanaca kale Games Carver oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub, ayaa u sacabo tumay doodan ku saabsan aqoonsiga Somaliland "Maanta Gavin Williamson ayaa hogaamin doona dood ku saabsan qadiyada balaadhan ee aqoonsiga Somaliland, waddankan amaanka ah ee dagani, wuxuu u qalmaa in fursad la siiyo".

Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu aan ku niyad samayn dhawaaqyadan isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska Vicky Ford, ayaa kala hadlay arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]