4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Booliiska Kenya oo dilay 15 qof oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Alshabab
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - 15 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin  ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Bodhei ee kaynta Boni, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda ammaanka ay ku raad joogeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalamaayal katirsan Alshabaab oo dhawaan lix qof ku dilay gobolka Lamu.

Dilka dadkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo masuuliyiin katirsan dowladda Kenya ayaa soo jeediyeen qorshe ah in la dilo dhammaan Al-Shabaabka lagu tuhmayo weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Lamu.

Alshabab ayaa qaaday weeraro lagu dilay 15 qof ay ku jiraan saraakiil katirsan booliiska Kenya, kadib weeraro ka dhacay tuulooyinka Widho, Juhudi, Ukumbi, Marafa, Mashogoni, Githurai, iyo Bobo-Sunkia.

Sidoo kale, guryo ayay dab qabad siyeen. Waxaana arrintaas loo xiray illaa ku dhowaad 1o qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online