3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar duqayn ah lagu weeraray dalka Imaaraatka
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar duqayn ah oo shalay lagu weeraray magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga dalka Imaaraatka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii dhintay & qoysaskooda, wuxuuna weerarkaan ku tilmaamay fal argagixisanimo oo khatar weyn ku ah gobolka iyo caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay garab istaagan tahay shacabka Imaaraadka Carabta.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ka dambeeysay weerar lagu qaaday Imaaraatka Carabta, waxaana lagu tilmaamay howlgal loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka.

Weerarkaan oo lala beegsaday gawaari shidaal, waxaa ku dhintay saddex qof, waxaana ka dhashay dab ka kacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi.

Duqeynta Khaliijka Carabta waxaa laga yaabaa inay caqabad ku noqoto dadaallada lagu xakameynayo xiisadaha gobolka, xilli Washington iyo Tehran ay ka shaqeynayaan badbaadinta heshiiskii Nukliyeerka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/18/2022 11:57 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka soo jeediyay in Baarlamaanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Somaliland, isla markaana daadihinaya dooda.

1/18/2022 11:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

1/18/2022 10:30 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooraahada maamulka Puntland ayaa soo saaray liiska doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

1/18/2022 10:22 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, oo ka jawaabay wadahadalka uu Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya, arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska, ayaa ugu usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo nabadaynta Soomaaliya.

1/18/2022 10:15 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Kadib kulan saacado badan qaatay oo maanta ku dhexmaray Xerada Lamagalaay ee gudaha Magaalada Baledweyne Taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee Golaha kacdoonka Hiiraan ee uu hogaaminayo Jenaraal Abuukar Xuud, ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen heshiisyo hordhac ah.

1/18/2022 9:55 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Ridwan Xuseen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay kusoo dhaweeyey madaarka Bole ee caasimada Addisababa.

1/18/2022 8:36 AM EST
Talaado, January, 18, 2022 (HOL) - Xildhibaannada kala ah Stephen Doughty, Tom Tugendhat iyo Zac Goldsmith oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, James Carver oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Baarlamaanka Yurub iyo ururka waddamada aan la aqoonsan ee loo soo gaabiyo UNPO, ayaa soo dhaweeyay dooda uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland.

1/18/2022 7:24 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

1/18/2022 6:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

1/18/2022 3:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kadib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali.

1/18/2022 2:02 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa shaaciyay magacyada xubnaha ka shaqeyn doono qabashada doorashada guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo la filayo in dhawaan lagu doorto Muqdisho.

1/18/2022 1:56 AM EST
Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - 15 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Bodhei ee kaynta Boni, sida ay sheegtay dowladda Kenya.