4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Faysal Cali Waraabe "Guddoomiyaha maxkamada sarre dacwada uu qaaday waxaanu u aragnaa in aanu sharci u qaadin"
 

Khamiis, January, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Sarre ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ku eedeeyay in dacwada xeerka furista ururrada siyaasada aanu daacad ka ahayn.

Faysal ayaa guddoomiyaha maxkamada ku eedeeyay in uu dacwada muranka ka taagan xeer 14 uu u jeedo kale ka leeyahay "Guddoomiyaha Maxkamada Sarre Aadan Xaaji Cali, dacwada uu qaaday waxaanu u aragnaa in uu xeelad kale u qaaday, ee aanu sharci u qaadin".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa si wayn uga soo horjeestay talaabo ay 46 xildhibaan oo kamid ah 82 ka mudane ee Golaha Wakiilada Somaliland ka koobanyahay maxkamada sarre ugu gudbiyeen, in ay tafsiir sharci ah ka bixiso qodobo ka mid ah xeerka furista ururada siyaasada oo laysku khilaafasanyahay.

Mucaaradka ayaa sheegay in maxkamada sarre anay xaq u lahayn in ay ka garnaqdo muranka xeerka oo ay tahay arrin u taala Golaha Wakiilada Somaliland, in ay go'aan ka gaadhaan murankan.

Maxkamada sarre ayaan wali wax go'aan ah kasoo saarin qodobada muranka dhaliyay ee xeerkan, tan iyo markii kala badh ka badan xildhibaanada goluhu ay maxkamada u gudbiyeen xeerkan 21 bishii December ee sannadkii hore ee 2021.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]