3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Maraykanka oo ku hanjabay ciddii jebisa heshiiska doorashada Soomaaliya inuu tallaabo ka qaadayo
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah dib udhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad kusoo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay kusoo roggi doonaan soomaaliya, haddii ay sii socoto dib u dhaca Doorashada.

“8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka  ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya in ay hannaanka doorashada kusoo gabagabeeyaan marka la gaaro 25ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kaste oo wax u dhimi kara  horusocodka dooraahada  iyo in ciidamada ammaanku  ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.

Khilaafka doorashada ayaa keenay dib u dhac muddo hal sano ah, waxaana hadda lagu heshiiyay in 25 ka febraayo lagusoo gabagabeeyo doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/12/2022 4:08 PM EST
Arbaco, January, 12, 2022 (HOL) - 42 dhalinyaro reer Somaliland ah oo dowlada Soomaaliya kasoo daysay xabsiyada dalka Liibiya oo ay ku xidhnaayeen kadib markii ay isku dayeen tahriib, ayaa markii ay Hargaysa soo gaadheen sheegay in qasab Xamar looga dajiyay, laguna qasbay in ay warbaahinta la hadlaan.

1/12/2022 10:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Xasan Aadan oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxii maanta uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho , dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jira.

1/12/2022 9:42 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Kulan aan horay loo sii shaacin oo ay isugu yimaadeen Maanta xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa waxay xilka qaadis ku sameeyeen guddoomiyahii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

1/12/2022 6:44 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar agagaarka xerada Afisyooni degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

1/12/2022 4:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay wadada 21-ka Oktokbar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

1/12/2022 3:52 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraal uu ku farayo taliska booliiska Soomaaliya iyo taliska booliiska gobolka Banaadir in ay sugaan amniga isisoo bax Muqdisho ay ku qabanayaan gole la magac baxay golaha badbaadada Banaadir.

1/12/2022 3:17 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ilaa shalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa 6 dhalinyaro ah oo aanan waxba galabsan.

1/12/2022 1:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugusoo celisay 97 dhallinyaro ah oo muddo sanado ah ku xirnaa xabsiyo kuyaalla dalka Libya.

1/12/2022 12:45 AM EST
Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo kamid ah xisbiga OFC ee Oromo ee dhawaan xabsiga laga siidaayay, oo shir jaraa'id qabtay ayaa dowladda Itooboya ka codsaday, in xal nabadeed laga gaaro colaadda Itoobiya, isla markaana dowladda iyo TPLF miiska wada hadalka isugu yimaaddaan.