4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Khilaaf soo kala dhexgalay shirkada DPworld iyo ganacsatada Somaliland

Talaado, January, 11, 2022 (HOL) - Waxa qarxay khilaaf u dhexeeya ganacsada wax kala soo degta Dekedda Berbera iyo shirkada DPworld ee gacanta ku haysta dib u dhiska iyo maamulka dekedda, kadib markii ay shirkadu kordhisay tacriifada (Canshuurta) ay ka qaado alaabaha dekedda kasoo daga.

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, oo waraysi siiyay idaacada VOA Somali, ayaa sheegay in uu khilaafku soo if baxay kadib markii shirkadu kordhisay lacagaha laga qaado alaabaha dekedda.

"Way jirtaa tacriifada ay kordhisay shirkada ka howlgasha Berbera ee DPworld, koontiinarka 20 ka ah waxa la kordhiyay $60, koonteenarka 40 ka ah na waxaa la kordhiyay $100, taasi oo keentay in ay cabasho xoogan ka muujiyaan ganacsatada J. Somaliland" ayuu yidhi Siciid.

Mareeyaha ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay soo dhex gashay labada dhinac isla markaana khilaafkii lasoo gaba gabeeyay "Sidaana ay dowladu ku dhex gashay, insha allah-na ay maanta soo gaba gabowday".

Mareeyaha ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay wali tahay tan ugu jawaban dhinaca tacriifadaha la saaro alaabada, sida ku jirta heshiiska ay xukuumada Somaliland kula jirto shirkada DPworld.

Dekedda ayaan shaqaynin muddo 3 maal mood ah kadib markii ay ganacsatadu ka gadoodeen korodhka tacriifada (Canshuurta) dekedda wax lagagala soo dago, iyadoo la sheegayo in ay hada ganacsatadu dib u bilaabeen in ay badeecadaha dekedda kala soo baxaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]