4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Beesha caalamka oo soo dhoweysay qodobada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

War-saxaafaddeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu bogaadiyay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed u sheegay inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed iyo kicin colaadeed.

Beesha caalamka waxay sheegtay in la joogo waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online